sheeko inantii caqliga badnayd ee sharaf
Sheeko
By: Rahma Mohamed Yusuf
Sharaf waxay ahayd inan ayeeyadeed oo lagu magacaabi jirey Dhudi la nool. Waxay
ahayd qofka ayeeydeed aduunka ugu jeclayd. Sharaf waxay reerkeeda u ahayd curad.
Haseyeeshee, ayeeyadeed ayaa qaadatay markay gu’ jir ahayd. Sharaf waxay ahayd inanta ugu
maskaxda badan beesheeda. Waxay ahayd inan aad u fikir dheer oo sheedda fog wax ka
aragta.Waxay ahayd inan gaari ah aan naagina is barbar dhigi Karin. Intaa waxa u dheeraa inay
Sharaf ahayd farsamo yaqaanad aad u xeelsheer. Dadku waxay aqalka ayeeydeed ku tilmaami
jireen buur la dheho Hadhiya oo ahayd buurta ugu weyn uguna dheer deegaankooda. Aqalku
haba weeynaado oo ha quruxbadnaadee, waxa dheeraa inta cawsas, kebdo, iyo dermooyin
dhamaystiran ee duuban. Noockasta oo shaqo ah-hadday tahay sahan, reer rarid, aqal dhisid iyo
furfurid, neef qalis, guri oodis, cunto Karin, iyo xoola aroorin- Sharaf baa u heelanayd. Sharaf
waxay ahayd gabadh yar laakiin dumarrro waaweyn oo guryo iyo caruuro leh ayaa u iman jiray
iyagoo ka dalbanaya inay tusto naqshadaha ay aqalka ayeeydeed u sharaxday.
Sharaf way nasisay ayeeydeed, abtiyadeed, iyo awoowgeed, waxaana suurto gal ahayd in
Sharaf la’aanteed ay reerka waxba u hirgeli waayaan. Aad ayaa Sharaf looga jeclaa loogana
qaddarin jiray xaafadda ay ku nooleyd dumarrada abtiyadeedna waxay ula dhaqmi jireen sidii
inantooda oo kale. Sharaf aad baa geyaanka looga ixtiraami jiray marka fagaare laysugu
yimaadona, iyadaa go’aanada ugu suubani ka soo goi jireen. Waxay ahayd inan ixtiraam iyo
naxariis badan oo waaweynkana kor u eegta yar-yarkana hoos.
Sharafa may ahayn inan maskax badan amaba gaari ah amaba farsamo yaqaan ah oo
keliya, balse waxay ahayd inan quruxdeedu ka hirgashay deegaankoo dhan. Ninkastaa wuxuu u
soo dhukusi jirey si uu iyada u arko oo keliya, kii arkaana wuxuu noqon jiray isagoo taahaya oo
leh, “Qalbigaa layga wareemee, duumo idin laysee daawadiisu waa Sharaf.” Qurux iyo qaayo
ayaa rabbi u dhameeyey. Intii qalanjo la amaaney addunka, wax Sharaf lagu amaano waa la
waayey ragna wuu diidey inuu goray, faras, iyo deero la barbardhigo iyada. Raggu waxay isugu
tilmaami jireen “Tii quruxdii nebi Yusuf Rabbi deeqda u siiyey.” Ninna wuu ku dhici waayey
inuu soo doono iyada maxaa yeelay midkastaa wuu ogaa inuu ceboobidoono markay Sharaf
hadaladeeda xikmadda leh ku wanjarto ee waa ku uu ka jawaabo suaale, garanwaayo waxay
su’aaleheeda ka waddo. Waxay rag badani u derrisi jireen si ay iyada habeen ula baxaan, laakiin
Sharaf way ka badin waayeen.
Nasiib darro, Sharaf aabaheed wuxuu bixiyey iyadoo uurka ku jirta inanka la siiyeyna
markay dhalatay buu labo jirsaday. Inanku wuxuu ka dhashay reer maalqabeen ah oo ad mooddo
inay Janno firdawsa ka soo rakaadeen. Sharaf way ka war haysay dhacdadan laakiin may jeclayn
inay ka hadasho waxayna rajeyn jirtay in Rabbi iyada iyo reer Qawdhan wax kala dhaxdhigo.
Reer Qawdhan waa reerka ay Sharaf inankooda u doonanayd oo Sharafna aad u necbayd maxaa
yeelay waxay iyaga u arkeysey reer fasahaaday oo kibir ku talis ah.
La soco qaybta labaad
Kala soco
ASTIKA TTECHNOLOGY

Comments
Post a Comment